Passer au Menu principal Passer au Menu de section
Soomaali
Guddiga Habeynta Warbaahinta Kanada (CCNR) waa guddi madax bannaan oo aan dawli ahayn oo ay abuureen Ururka Warbaahiyaasha Kanada (l'ACR) si ay u maareeyso xeerarka warbaahinta ee ay xubnaha ururkaasi ku dhaqmaan. Guddiga waxaa xubin ka ah in ka badan 530 idaacado iyo telefishinno gaar loo leeyahay, telefishinnada ku takhasusa mawduucyo gooni ah iyo kuwa xiriiriya dalkan Kanada, kuna baxa af-Ingiriiska, af-Fransiiska iyo luqadaha kale. (Si aad u aragtid liiska xubnaha CCNRda iyo websiteyadooda, haddii ay leeyihiin, halkan riix: “Radiodiffuseurs membres”.)
CCNRdu waxay kaalin firfircoon ka ciyaartaa warbaahinta Kanada. Waxay warbaahiyaasha ku dhiiragelisaa ku dhaqanka xeerarka iskaa-ah, waxayna xal u raadisaa cabashada iyo su’aalaha dadka Kanada ee ku wajahan warbaahinta gaarka loo leeyahay.
Himilooyinka CCNRda waxaa ka mid ah in ay dadka Kanada ku wargeliso jiritaanka xeerarka iskaa-ah ee ay abuureen, kuna dhaqmaan warbaahiyaasha gaarka loo leeyahay ee dalkan. Si loo wada gaaro dadyowga Kanada ee kala jinsiyadda iyo luqadaha duwan, CCNRda, iyadoo maalgelin ka helaysa OMNI Television, waxay macluumaadkeeda ku tarjumtay luqado badan, ka sokow luqadda Ingiriiska iyo tan Fransiiska. Si aad u aragtid luqadaha macluumaadka CCNRda lagu tarjumay waxaad riixdaa badhanka “Autres langues” ee ka muuqda midigta sare ee boggan.
Si aad u heshid macluumaad dheeri ah oo afkaaga ku qoran, fadlan booqo ama taabso badhannada midigta boggan ka muuqda.
Si aad u heshid macluumaad Ingiriis iyo Fransiis ku qoran, fadlan wada booqo websitekan oo ka kooban qaybaha soo socda (eeg badhannada ka muuqda bidixda boggan):
À propos du CCNR :
Dulmar ku saabsan CCNRda, taariikhdeeda, ballanta ay la gashay dadka Kanada, iyo kaalinta ay kaga jirto warbaahinta Kanada.
Les codes :
Xeerarka ay CCNRdu maareyso oo dhameystiran, oo waliba wata fasiraad iyo faallooyin ku saabsan sida xeerarkaas loo meelmariyay. [Xeerarkaas kuwooda soo noqnoqda afkaaga ayaa laguugu tarjumay.]
Les décisions :
Liiska go’aamada CCNRda guddiyadeeda, heer qaran iyo heer gobolba, ay gaareen, adigoo waliba go’aamadaas magac ama mawduuc ahaan websitekan uga baari kara.
Autres documents :
Warbixin-sanadeedka CCNRda, wararka saxaafadda loogu talo galay, qudbado iyo qoraalo kale.
Déposer une plainte :
Macluumaad la xiriira sida aad cabashadaada ku saabsan wax aad ka aragtay telefishinka ama ka maqashay raadiyaha aad u soo gudbin kartid. Macluumaadkan waxaad kaloo ku heli kartaa luqaddaada, laakiin foomka cabashada af-Ingiriis ama af-Fransiis un baa lagu buuxin karaa.
Radiodiffuseurs membres :
Liiska xubnaha CCNR iyo websiteyadooda oo loo qaybiyay Telefishinka Caadiga ah, Telefishannada ku Takhasusa Mawduucyo Gooni ah & Kuwa Xiriirsan iyo Liiska Idaacadaha ama Raadiyowyada. Liisaskaas waxaa kaloo loo sii qaybiyay gobol-gobol iyo magaalo-magaalo.
Liens d'intérêt :
Liiska websiteyo laga yaabo in ay dadku xiiseeyaan ama isticmaalaan.
Questions fréquentes :
Su’aalaha soo noqnoqda ee la xiriira CCNRda, hab-maamulkeeda iyo habka cabashooyinka loo soo diro.
Waxaan idinku boorinaynaa in aad wada booqataan qaybaha websitekan. Ka warqaba hawsha ay CCNRda iyo xubnaheedu qabtaan si ay iskood isku maamulaan. Waan soo dhoweynaynaa aragtidaada.
